Madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha oo ka hadlay doorashada ku xigeenada BF

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray Guddoomiye Ku-xigeennada Cusub ee Golaha Shacabka oo loo kala doortay, Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Farmaajo ayaa Alle uga baryey in uu u fududeeyo mas’uuliyadda loo doortay.

Dhankiisa ra’iisul wasaare Rooble oo qoraal kooban soo saaray ayaa boggaadiyey doorashada ku xigeenada Golaha Shacabka Soomaaliya.

Rooble ayaa sheegay in dhammeystirka doorashada guddoonka baarlamaanka ay muhiim u tahay dalka iyo in horey loo sii wado doorashada Soomaaliya.

Halkan hoose ka aqriso:-

Waxaan u hambalyeynayaa Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka BJFS xildhibaan Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar oo caawa la doortay.

Waxaan Eebbe uga baryayaa in uu la garab galo mas’uuliyadda qaran ee culus ee loo doortay.

Maadaama Guddoomiye Sacdiyo tahay gabadhii ugu horreysay ee qaranka Soomaaliyeed u qabata xilkan sare ee muhiimka ah, sidaas darteed waxaan hambalyada la qeybsanayaa guud ahaan haweenka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan, anigoo guddoomiye ku-xigeenka iyo haweenka Soomaaliyeedba u rajeynaya horumar iyo guulo joogto ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here