Sacdiyo Yaasiin & C/llaahi Abshirow oo ku guuleystay ku xigeenada G/ Shacabka

0

MUQDISHO (SMN) – Xildhibaan Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar ayaa loo doortay inay noqoto guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya, waana haweeneydii ugu horreysay ee xilkaas qabata.

Sacdiya oo heshay 137 cod ayaa wareeggii labaad ee doorashada waxay kaga adkaatay Maxamed Cali Cumar Caananuug oo helay 107 cod. Labada musharaxba waxay ka socdeen dhanka mucaaradka.

Sidoo kale, Guddoomiye ku xigeenka labaad ayaa waxaa ku guuleystay Cabdullaahi Cumar Abshirow oo codad dhan 146 kaga guuleystay Mahad Cabdalla Cawad oo ku haray 91 cod.

Cawad iyo Abshirow ayaa si wada jir ah ugu mahadceliyay xildhibaanadii codka siiyay, iyagoo sheegay inay si wada jir ah Baarlamaanka ugu wada shaqeyn doonaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here