Madaxweynaha JF oo jeedin doono khudbad ku saabsan go’aanka ICJ

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed  “Farmaajo” ayaa dhowaan jeedin doono khudbad ku saabsan go’aanka ay gaartey Maxkamadda Caalamiga ee Caddaaladda ee magaalada The Hague ee dalka Holand

Muranka badda Soomaaliya iyo Kenya ayaa soo jiitamayey in muddo ah, iyadoo maanta ay Maxkamadda Caalamiga ee Caddaaladda go’aan ku gaartey in inteeda badan ay Soomaaliya yeelato.

Dacwaddan ayaa soo bilaabatay sanadkii 2014-kii, xilligaas oo ay dowladda Soomaaliya u gudbisay maxkamadda cadaaladda ee ICJ.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here