Madaxweynaha JF oo u mahadceliyey guddigii ka shaqeeyey xuska xorriyadda

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Marwada Koowaad ee Qaranka Marwo Saynab Cabdi Macallin oo casho sharaf ku maamuusay Guddigii iyo Hawl-wadeennadii Qabanqaabada Toddobaadka Xorriyadda, Kooxaha Qaran ee Fanka iyo Maamulka Warbaahinta Gaarka Loo Leeyahay ayaa dhammaantood uga mahad naqay kaalintii ay ku lahaayeen Munaasabadihii Xuska Toddobaadka Xorriyadda.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in maalmaha xorriyaddu ay yihiin astaan qaran oo mudan in la weyneeyo si loo xoojiyo wadajirka bulshada, ubadka Soomaaliyeedna loogu barbaariyo waddaniyad iyo dal jacayl, isaga oo Hawl-wadeennadii munaasabadda lagu casuumay ku bogaadiyey doorkoodii abaabulka, wacyi gelinta bulshada iyo baahinta Munaasabadihii Toddobaadka Xorriyadda.

“Waxaan dhammaantiin idiinka mahad celinayaa sidii quruxda badnayd ee aad uga wada qaybqaadateen Xuskii Toddobaadka Xorriyadda. Miro-dhalka dadaalkiinnii waxaa laga dareemay sidii ay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ugu dabbaal degeen Xuskii Maalmaha Xorriyadda ee sannadkan.”

Sidoo kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed ku bogaadiyey sida qiimaha badan ee ay uga qayb qaateen weynaynta Xuskii Toddobaadka Xorriyadda, iyaga oo muujiyey dal jacayl iyo waddaniyad, soona bandhigay sida ay ugu faanayaan halyeeyadii naftooda u huray Gobannimada.

Munaasabaddan waxaa sidoo kale ka qayb galay, Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Caasimadda Mudane Cumar Maxamuud Maxamed Filish, Guddoomiyaha Guddiga Qabanqaabada Toddobaadka Xorriyadda Mudane Cismaan Abokor Dubbe iyo xubno ka tirsan Goleyaasha Dowladda.

DHAMMAAD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here