Madaxweynaha JFS oo kulan sagootin ah la qaatay safiirka Turkiga + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan sagootin ah Madaxtooyadda Qaranka kula qaatay safarka dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga, mudane İbrahim Mete YAĞLI.

 

Madaxweynaha ayaa safiirka ku bogaadiyey daddaalladii diblomaasiyadeed ee uu ku bixiyey horumarinta iskaashiga labada dalka.

Ra’iisul wasaaraha ayaa shalay sidaan oo kale kulan saagootin ah la qaatay Safiirka sii baxaya ee Dowladda Türkiye u joogay Soomaaliya, Mudane Ibrahim M. Yagli.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey Danjiraha muddadii uu ka howlgalayay Soomaaliya kaalintii uu ka qaatay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya labada waddan ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Türkiye.

Safiirka sii baxaya ee Türkiye, Mudane Ibrahim M. Yagli, oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay sidii wanaagsaneyd ee ay dowladda Soomaaliyeed iyo shacabka ugu garab istaageen gudashada waajibaadkiisa.

Mudane Xamsa ayaa sheegay in Dowladda Türkiye ay tahay saaxiib dhab ah oo is-garab taagay Soomaaliya xilliyo adag oo ay soo martay iyo hadda oo lagu soo xadgudbay Qarannimada iyo Madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here