Madaxweynaha JFS oo xafiiskiisa ku qaabilay madaxa sirdoonka Turkiga

0

MUQDISHO (SMN)  –  Madaxweynaha Jahmhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Madaxtooyada Qaranka kulan kula qaatay Madaxa Hay’adda Sirdoonka Qaranka ee Turkiga Mudane Ibraahim Kalin.

 

Madaxweynaha ayaa muujiyay in doorka Turkiga ee taageerada amniga iyo xasilloonida Soomaaliya uu muhiim u yahay dowladnimadeenna, waxa uuna xusay mudnaanta ay dowladda Soomaaliya siinayso iskaashiga labada dal ee arimaha amniga, gaar ahaan dhinacyada la-dagaallanka argagixisada, xoojinta nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Kulankan oo uu goob-joog ku ahaa Taliyaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaran Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali ayaa ka tarjumaya sida Soomaaliya iyo Turkiga ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka labada dal ee iskaashiga arrimaha amniga, difaaca iyo ladagaallanka argagixiaada.

DHAMMAAD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here