KISMAAYO (SMN) – Madaxwweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maamul cusub waxa uu u magacaabay gobolka Gedo, oo weli laga diidan yahay maamulkiisa.
Qoraal kasoo baxay xafiiska madaxweyne Axmed Madoobe ayaa u qornaa sidatan:-
MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY HOGAAMINTA CUSUB EE MAAMULKA GOBOLKA GEDO.
Tix-raac: XM/DGJS/031/2023
UJEEDDO: MAGACAABIS MAAMULKA GOBOLKA GEDO.
Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam Markuu arkay: Dastuurka Dowlada Jubaland, Cutubkiisa nad, Qodobka 72aad, Fargada (5aad) ee ku aadan awooda madaxweynaha, ee magacaabida xubnaha Golaha Fulinta Jubaland;
Markuu Garwaaqsaday: Muhiimada ay leedahay in maamul loo sameeyo gobolka Gedo;
Markuu Latashaday: Madaxweyne ku-xigeenada Dowlada Jubaland.
Wuxuu Madaxweynaha Dowlada Jubaland u magacaabay,
- Cabdullahi Cabdi Jaamac —Gudoomiyaha Gobolka Gedo.
- Cusmaan Nuux Xaaji ( Macalimu) —G/Kuxigeenka Amniga & Siyaasada.
- Nasteex Cabdi Saalax —G/ Kuxigeenka Maaliyadda.
- Ibrahim Madoobe Maxamed —G/Kuxigeenka Arrimaha Bulshada.
- Maxamed Xuseen Isaaq (Qaadi) —G/Kuxigeenka Maamulka ahna Xoghayaha Gobolka
Waxay Magacaabistani dhaqan galaysaa marka uu Madaxweynuhu sixiixo Wuuna sixiixay.
DHAMMAAAD.