Madaxweynaha Jubbaland oo ku wajahan gobolka Gedo

0

KISMAAYO (SMN) – Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa ku wajahan gobolka Gedo oo khilaafkiisa siyaasadeed ay u muuqanayaan kuwo haatan xal laga gaaray.

 

Axmed Madoobe ayaa Kismaayo kula kulmay mucaaradka maamulkiisa iyaga oo ka wada-hadlay sidii looga gudbi lahaa marxaladda khilaafka, Jubbalandna loogu horseedi lahaa horumar iyo xasillooni siyaasadeed.

Qorshaha tagista Madaxweynaha Jubbaland ee gobolka Gedo ayaa lagu micneeyay soo gabagabeynta sanado badan oo khilaaf u hareeyay siyaasiyiinta gobolkaasi iyo maamulka madaxweyne Axmed Madoobe.

Ujeedada ugu weyn ee safarkiisa ayaa ah dardargelinta howlaha hortabinta u leh maamulkiisa sida dagaalka Al-Shabaa iyo u diyaargarowga wajiga labaad ee howlgalka.

Wasiirka beerah iyo waraabka Jubbaland Geelle Maxamuud Aadan ayaa xaqiijiyay qorshaha tagista Axmed Madoobe ee gobolka Gedo, isaga oo sheegay in kulanka uu laqaatay siyaasiyiinta mucaaradka laga gaaray natiijo wanaagsan, isl-markaana waxyaabihii laga wada-hadlay ay kamid ahaayeen dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo arrimaha doorashooyinka.

Gobolka Gedo ayaa sanado badan waxaa ka taagnaa khilaaf siyaasadeed oo kala dhexeeyay maamulka Jubbaland iyaga oo siyaasiyiinta gobolka ay qabeen tabashooyin dhinaca maamulka iyo doorashooyinka, waxaana khilaafkaas uu gaaray heer dhowr jeer lagu dagaalamay gobolka siyaasiyiinta Gedo qaarkoodna loo diiday in ay kasoo dagaan garoomada diyaaradaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here