Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo soo gaaray Muqdisho +Sawirro

0

Waxaa goordhweyn, ka soo degay garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho wefdi uu hogaaminayo madaxweynaha Koofur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka iyo xubno kale ayaa garoonka ku soo dhaweeyay madaxweynaha.

Madaxweyne Laftagareen, waxaa uu ka qeybgali doonaa shirka wada tashiga qaran ee arrimaha doorashooyinka oo maanta ka furmaya magaalada Muqdisho.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa horey u iclaamiyay shirkan, shalay gelinkii dambe, waxaa Muqdisho sidan oo kale soo gaaray madaxweynaha Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye (QoorQoor).

Maanta waxaa la filayaa madaxda kalae in ay yimaadaan magaalada Muqdisho, si shirka ugu qeybgalaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here