Madaxweynaha maamulka Somaliland oo ku sii jeeda waddanka Mareykanka

0

HARGEYSA (SMN) – Wafdi uu hor kacayo madaxweynaha Soomaaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa saacadaha soo socda ee maanta lagu wadaa in ay u ambabaxaan dalka Mareykanka.

Ujeedka safarka madaxweyne Biixi oo aan wax badan laga ogeyn ayaa lagu wadaa in uu kulamo la yeelan doono mas’uuliyiinta dalkaasi.

Sidoo kale waxa uu shirar gaar gaar ah la yeelan doonaa jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan gudaha waddanka Mareykanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here