Madaxweynaha Puntland oo eryay laba ka mid ah golihiisa wasiirada + Sababta

0

GAROOWE (SMN) – Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta xilka qaadis ku sameeyay laba wasiir oo kamid ah xukuumaddiisa, kadib wareegto uu soo saaray.

 

Saciid Deni ayaa eryey Cabdisamad Maxamed Galan, wasiirka amniga gudaha Puntland iyo wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha maamulkaasi, Cabdiweli Mire Xirsie.

Labada Wasiir ayaa waxaa lagu eedeeyay xil gudasho la’aan, sida lagu sheegay wareegtada kasoo baxday madaxtooyada dowlad goboleedka Puntland.

Halkan hoose ka aqriso:-

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 26, 17 June 2023, Kuna saabsan xil ka qaadis.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka  Dowladda Puntland Qodobkiisa 80aad.

Markuu arkay:  Xil gudasha la’aantooda

Wuxuu xeeriyey:

Waxaa xil ka qaadis lagu sameeyay:

  1. Cabdisamad Maxamed Galan, Wasiirka Amniga iyo DDR-ta Puntland.
  2. Cabdiweli Mire Xirsi, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha , Federaalka iyo Dimuqraadiyeeynta Puntland.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here