GAROOWE (SMN) – Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Xildhibaan Hodan Xasan oo ka tirsan Baarlamaanka Gobolka Minnesota ee Dalka Maraykanka iyo Wafdi ay hoggaaminayso oo booqasho ku tegtay Puntland.
Kulanka waxaa Madaxweynaha kala qeybgalay qaar ka mid ah xubnaha Golaha Wasiirada.
Labada dhinac ayaa iska xog wareystay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka ee maamulka Puntland.
Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-