Wasiirka difaaca dalka Kenya oo gaaray magaalada Kismaayo + Sawirro

0

KISMAAYO (SMN) – Madaxweyne ku xigeenka labaad eeJubbaland Mudane Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud oo ay wehlinayaan wasiirka amniga gudaha Jubbaland sareeye gaas Yuusuf Xuseen Cismaan Dhuumaal, Taliyaha qaybta 43-aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed General Cali Maxamed Maxamuud, (Bog madow) iyo taliyaha ciidanka Daraawishta Jubbaland Janaraal Ismaaciil Saxardiid ayaa maanta garoonka diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdille Xasan ku qaabilay Wasiirka Gaashandhiga Dalka Kenya Mudane Aadan Barre Ducaale.

 

Mas’uuliyiinta ayaa ka wada-hadlay arrimaha amniga iyo sidii iskaashi buuxa looga samayn lahaa nabad-galyada xuduudka iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Sidoo kale waxaa la filayaaa in wasiir Aadan Barre Ducaale uu la kulmo madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Kenya ayaa xiriir wanaagsan laleh Jubbaland oo xuduud laleh, waxaana sidoo kale ay ciidamo ka joogaan gobollada Jubnooyinka ee maamulkaasi.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here