Madaxweynaha Puntland oo war cusub ka soo saaray xiisadda gobolka Gedo

0

GAROOWE (SMN) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni oo maanta furay kalfadhiga golaha wakiilada maamulkaasi ayaa ka hadlay arrinta gobolka Gedo.

 

Saciid Deni ayaa sheegay in Puntland ay ka walaacsan tahay xaaladda haatan kasoo cusboonaatay gobolkaas oo mar kale wajahaya xasarado siyaasadeed.

“Dowladda Puntland waxay walwal ka muujineysaa xaalad amni iyo xasillooni darrada siyaasadeed ee ka soo cusboonaatay Gobolka Gedo,” ayuu yiri madaxweyne Deni.

Sidoo kale wuxuu farriin u diray dowladda federaalka Soomaaliya oo uu ugu baaqay in aysan xayiraad saarin shacabka ku dhaqan gobolkaasi.

“Waxaan madaxda dowladda Federaalka ugu baaqaynaa in aysan ku kicin, ficil la mid ah midkii ayaga laftooda dhibanaha u ahaayeen, ee diyaaraddii ay la socdeen hawada laga celiyay loo diiday inay gudaha dalka ku safraan ficiladii madaxda federaalka ee horay madaxdii ka horeysay ugu cambaareyn jireen ee xayiraada duulimaadyada rakaabka ee gudaha dalka” ayuu mar kale khudbaddiisa ku yiri madaxweynaha maamulka Puntland.

Ugu dmabeyn wuxuu ku baaqay in Jubbaland dib u heshiisiin dhameystiran loo sameeyo, isla-markaana xiisada ka taagan gobolka Gedo aan xabad iyo caburin loo adeegsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here