QUDUS – Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa sheegay in uusan meesha ka saari karin suurtagalnimada in mustaqbalka saldhig militari oo Israa’iil leedahay laga sameeyo Somaliland, isagoo sidoo kale shaaciyay in duulimaadyo toos ah oo u dhexeeya Israa’iil iyo Hargeysa ay “si aad ah ugu dhow yihiin” inay bilaabmaan.
Wareysi gaar ah oo uu siiyay warbaahinta i24NEWS intii uu ku guda jiray booqashadiisii ugu horreysay ee rasmi ah ee Israa’iil, ayuu Cirro ku sheegay in furitaanka safaaradda Somaliland ee Qudus ay tahay tallaabo dabiici ah oo ka tarjumaysa xiriirka sii xoogeysanaya ee labada dhinac.
“Caadiyan, safaaradaha waxaa laga furaa caasimadaha dalalka is aqoonsaday,” ayuu yiri, isaga oo xusay in Israa’iil ay ahayd Maamulka keliya ee ka jawaabay waraaqo uu sheegay inuu bishii May 2025 u diray 193 dal si uu uga codsado aqoonsi.
Cirro ayaa diiday in Somaliland lagu tilmaamo maamul ka go’ay Soomaaliya, isagoo sheegay in Somaliland ay madaxbannaanideeda ku dhawaaqday 26-kii Juun 1960, shan maalmood ka hor xornimadii Soomaaliya.
“Annagu ma nihin maamul gooni u goosad ah. Waxaan noqonay dal madax-bannaan 26-kii Juun 1960,” ayuu yiri.
Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in iskaashiga ay la leeyihiin Israa’iil uu diiradda saari doono beeraha, biyaha, caafimaadka iyo amniga, isagoo xusay in siddeed carruur ah oo reer Somaliland ah oo qaba xanuunnada wadnaha loo qaadi doono Israa’iil toddobaadkan si loogu daweeyo.
Wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda dekedda Berbera, isagoo ku tilmaamay marin ganacsi oo muhiim u ah Itoobiya iyo dalalka aan badda lahayn ee Afrika, isla markaana ay sii kordhayaan danaha ay ka qabaan Mareykanka, Imaaraadka Carabta, Israa’iil iyo dalal kale.
Markii la weydiiyay doorka Somaliland ay ka qaadan karto la dagaallanka khatarta Xuutiyiinta ee Badda Cas, Cirro wuxuu sheegay in Somaliland aysan cadow u ahayn cidna balse ay xaq u leedahay inay is difaacdo, isla markaana ay raadinayso taageero caalami ah si loo xoojiyo awoodda ciidamadeeda ilaalada xeebaha.
Cirro ayaa sidoo kale sheegay in dalal kale ay raaci doonaan Israa’iil oo aqoonsan doona Somaliland, inkasta oo uusan magacaabin dalalkaas ama waqti cayiman sheegin.
“Fadlan ku soo biira ka hor inta ay goori goor tahay. Qofkii ugu horreeya wuxuu heli doonaa fursadda ugu wanaagsan,” ayuu yiri.
Somaliland oo ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya sanadkii 1991 ayaa leh maamul, lacag iyo hay’ado amni oo u gaar ah, hase yeeshee beesha caalamku weli waxay u aqoonsan tahay inay qayb ka tahay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si joogto ah uga soo horjeedda xiriir kasta oo rasmi ah oo lala yeesho Somaliland iyada oo aan oggolaansho ka haysan Muqdisho.



