ALGERIS – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kormeeray Xarunta Safaaradda Soomaaliya ee dalka Aljeeriya, isagoo si qoto dheer uga xog-wareystay hawlaha iyo guulaha diblumaasiyadeed ee ka socda safaaradda.
Kormeerkan ayaa ahaa mid uu ku muujinayo taageerada dowladda Soomaaliya ee ku aaddan horumarinta xiriirka labada dal, gaar ahaan ka shaqaynta sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo taageerada muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan Aljeeriya.
Madaxweynaha waxaa kormeerkiisa ku wehelinayay Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, oo sidoo kale ka qeyb qaatay wada-hadallada iyo muujinta taageerada labada dal. Waxa kale oo safaaradda la socday Danjire Yuusuf Axmed Xasan, oo ah Safiirka Soomaaliya ee Aljeeriya.
Diblomaasiyiinta Soomaaliyeed ee Safaaradda Aljeeriya ayaa Madaxweynaha u soo bandhigay guulaha muhiimka ah ee ay gaareen tan iyo markii safaaradda dib loo furay bilowgii sanadkan 2025.
Safaaradda ayaa si weyn u xoojisay xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashi ee Soomaaliya iyo Aljeeriya, iyadoo sidoo kale ka shaqeysay xalinta dhibaatooyinka muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Aljeeriya.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si gaar ah uga mahadceliyay dadaalka Safaaradda iyo diblomaasiyiinta Soomaaliyeed ee ka hawlgala Aljeeriya, wuxuuna ku adkeeyay in ay kordhiyaan shaqada muhiimka ah ee ay u hayaan muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Waxa uu sidoo kale muujiyay muhiimadda ay leedahay in la dhaqan-geliyo heshiisyada iskaashi ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Aljeeriya si loo gaaro horumar waara.
Booqashada Madaxweynaha ee Safaaradda Soomaaliya ee Aljeeriya ayaa sidoo kale qeyb ka ahayd dadaallada lagu xoojinayo xiriirka labada dal ee ku saleysan wada shaqeyn dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, iyo amniga.









