Madaxweynaha Soomaaliya oo ku wajahan degmada Aadan Yabaal + Ujeedka

0

MAXAAS (SMN) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu gaaro degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

 

Socdaalkan oo uu madaxweynaha kaga ambabaxayo degmadda Maxaas ayaa ujeedkiisu yahay dardargelinta dagaallada iyo howlgalada xoreynta ah ee Al-Shabaab.

Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud waxaa safarkiisa degmada Aadan Yabaal ku wehlinaya mas’uuliyiin ka tirsan Madaxtooyada iyo madaxda Maamulka Hirshabelle, isagoo halkaasi kulamo kula qaadan doona saraakiisha ciidanka Xooga Dalka ee ku sugan Aadan Yabaal iyo deegaanada ku dhow ee dhawaan laga saaray gacanta Al-Shabaab.

Dhankiisa Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen oo haatan ku sugan deegaano u dhow degmadda Aadan Yabaal ayaa la filayaa in uu isna gaaro degmadaas, si uu uga qeybgalo kulamada Madaxweynaha ee ku aadan xoojinta dagaalka Al-Shabaab.

Xassan Sheekh Maxamuud oo mudo bil ku dhow ku sugnaa caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb ayaa dhawaan gaaray degmadda Maxaas halkaas oo uu kula kulmay guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan iyo xubno kale oo ka tirsan maamulka HirShabelle,  isaga oo kala hadlay sidii ay shacabka iyo madaxda Gobolka Hiiraan markale uga qeyb qaadan lahaayeen halganka oo ay iyagu bar bilaw u ahaayeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here