Madaxweynaha Soomaaliya oo lagu soo dhaweeyay madaxtooyada Tansaaniya

0

DAARUSALAAM (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho rasmiga ah ku jooga dalka Tanzania, ayaa si heer sare ah loogu soo dhoweeyay Munaasabad ballaaran oo ka dhacday Aqalka Ikulu ee Madaxtooyada Tansaaniya.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo wafdigiisa ayaa wadahadallo laba geesood ah la yeeshay Madaxweynaha dalka Tansaaniya Marwo Samia Suluhu Hassan iyo golaha Xukuumadda oo ay ka wada hadleen qodobo taabanaya dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo horumarinta.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahad celiyay dowladda iyo shacabka Tanzania taageerada iyo garab istaagga ay u muujiyeen madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kadib xad-gudubkii dowladda Ethiopia ay ku sameysay madax-bannaanida dalkeenna iyaga oo heshiis baal marsan shuruucda caalamiga ah la galay gobol ka mid ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

DHAMMAAD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here