Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Jabuuti oo ka wada hadlay dadaallada diblumaasiyadeed ee difaaca midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya

0

Jabuuti, Diseembar 29, 2025 — Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta magaalada Jabuuti kulan kula yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

 

Kulanka labada Madaxweyne ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-tashiga iyo isku-duwidda dadaallada diblumaasiyadeed ee lagu difaacayo midnimada, madax-bannaanida iyo qaranimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Waxaa si gaar ah loo adkeeyey muhiimadda ay leedahay in dalalka walaalaha iyo saaxiibka ah ay qaataan mowqif mideysan oo ka dhan ah tallaabo kasta oo lid ku ah midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey Dowladda iyo Shacabka Jamhuuriyadda Jabuuti doorka walaaltinimo iyo hoggaamineed ee ay ka qaadanayaan garab-istaagga Soomaaliya, gaar ahaan taageerada joogtada ah ee la xiriirta ilaalinta midnimada, madax-bannaanida iyo qaranimada dalka.

Labada Madaxweyne ayaa isla qaatay in la sii xoojiyo wada-tashiga diblumaasiyadeed iyo iskaashiga labada dal, si loo ilaaliyo xasilloonida Gobolka, loona dhowro mabaa’diida aasaasiga ah ee hagaya xiriirka dowladaha iyo deris-wanaagga.

Ugu dambayn, Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay mar kale ku celisay go’aankeeda adag ee ku aaddan ilaalinta midnimada dhuleed iyo madax-bannaanida qaranka, iyadoo ku kalsoon garab-istaagga iyo wadajirka dalalka Gobolka iyo saaxiibada caalamiga ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here