MUQDISHO – Golaha Wadatashiga Qaranka, oo kulamo xiriir ah ku yeeshay Madaxtooyada Qaranka, ayaa soo saaray War-murtiyeed lagu adkaynayo mowqifka dowladda ee ku aaddan ilaalinta midnimada dalka.
Golaha Wadatashiga oo uu guddoomiyey Madaxwaynaha Jamhuuriyadda, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa soo jeediyay tallooyin wax-ku-ool ah oo lagu mideynayo dadaalka dowladda iyo tallaabooyinka la qaadayo ee lagaga hortagayo aragtida goonni-goosatada.






![Nabadoonka Beesha Aadan Warsame ee Xawaadle oo lagu doortay Muqdisho [Sawirro]](https://shabellemedia.com/wp-content/uploads/2026/07/yaab-150x150.png)
