Madaxweyne Cabdicasiis Lafta Gareen oo magacaabay wasiiro cusub

0

BAYDHABO(SMN) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa magacaabay saddex wasiir oo ka mid noqonaya golaha wasiirada ee maamulkaasi.

Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweyne Lafta Gareen ayaa waxaa Wasiirka Dekadaha & Gaadiidka Koonfur Galbeed loogu Magacaabay Aweys Xuseen Macalin, halka Wasiirka wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta loo Magacaabay Cabdullaahi Sheekh Daahir Muxudiin, sidoo kale Wasiirka Kalluumeysiga Koonfur Galbeed ayaa waxaa loo Magacaabay Cabdullaahi Cabdi Cumar.

Lafta Gareen ayaa faray wasiirada cusub in sida ugu dhaqsiyaha badan ay ula wareegaan xilalka cusub ee loo magacaabay, si loo dardar-geliyo howlaha horyaalla.

Halkan hoose ka aqriso:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here