Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen oo kulamo ka wada magaalada Nairobi

0

NAIROBI (SMN) – Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo Safar Shaqa ku jooga Magaalada Narobia ee Dalka kenya ayaa kulan la qaatay Danjiraha Dowlada Denmark ufadhiya Soomaaliya Steen Sonne.

 

Madaxweyne Laftagareen iyo Danjire Steen Sonne ayaa ka Wada hadlay Mashaariicda socda sidii loo kordhin lahaa, waxna looga qaban lahaa  Arimaha Barakacayaasha, Isbedelka Cimilada,Taageerida Xuquuqda Aadanaha iyo Kaabiyaasha Hormarineed ee ay Taageerto Dowlada Denmark.

Kulanka waxaa Madaxweynaha ku Wehlinayey Wasiirka Arimaha Gargaarka Mudane Abdinasir Abdi Caruush iyo Agaasimaha guud Madaxtooyada Dowlada Koonfur Galbeed Mudane Abdifatah Mahad Abdirahmaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here