Madaxweyne Laftagareen oo tababar usoo xiray ciidamo cusub + Sawirro

0

BAYDHABO (SMN) – Madaxweynaha dowlad goboledka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa maanta tababar usoo xiray Dufcadii 8-aad Ciidanka Booliska Gaarka ah ee maamulkaasi.

 

Ciidamadan ayaa muddo dheer tababar ku qaadanayey xero ku taalla gudaha Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Munaasabadda lagu soo xirayay tababarkan waxaa sidoo kale qayb ka ahaa mas’uuliyiin kala duwan oo ka socday dowladda federaalka Soomaaliya iyo saraakiil ciidan.

Sida uu qorshuhu yahay ciidamadan ayaa ka qayb qaadan doono howlgallada lagu sugayo amniga iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

default
default

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here