Madaxweyne Deni oo amar culus siiyay saraakiisha amniga Puntland + Sawirro

0

GAROOWE (SMN) – Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullahi Deni oo la kulmay saraakiisha ammaanka ee maanulkaasi ayaa ka hadlay arrimaha ammaanka Garoowe iyo deegaanada kale ee Puntland.

 

Saciid Deni ayaa faray saraakiisha amniga, gaar ahaan kuwa booliska inay qaadaan tallaabooyin lagu sugayo nabad-gelyada, maadaama uu maamulka wajahayo xaalado siyaasadeed oo la xiriira doorashada kusoo foodka leh.

Sidoo kale wuxuu intaas kusii daray in haatan ay sii kordhayaan fal dambiyeedyada ka dhex dhaca bulshada iyo kuwa ay gaysanayaan wax uu ku tilmaamay argagixso, kuwaas oo uu tilmaamay in Booliska looga baahan yahay inuu wax ka qabto.

Waxaa kale oo uu carabka ku dhuftay in la qaado howlgallo cusub oo lagula dagaalamayo kooxaha ka ganacsada maandooriyaha iyo kuwa ka shaqeeya tahriibinta dadka.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo weli xaalad hubanti la’aan ah ay ka jirto Puntland, taas oo ku aadan doorashada kusoo soo socota maamulkaasi oo ay weli isku hayaan xubnaha mucaaradka ah iyo xukuumadda madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.

Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan iyo halka ay ku dambeyn doonaan dhaq-dhaqaaqyada ay mucaaradka ka wadaan magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here