Dhinawda, Mudug – Madaxweynaha Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa gaaray deegaanka Dhinawda ee Gobolka Mudug, halkaas oo si diirran loogu soo dhaweeyey.
Madaxweyne Deni ayaa uga mahadceliyey bulshada deegaanka soo dhaweynta ay u sameeyeen, isagoo sheegay in safarkiisu qeyb ka yahay dadaallada Dowladda Puntland ee ku aaddan u kuurgelidda xaaladda nololeed, xoojinta nabadda iyo isu-soo-dhawaanshaha bulshada ku nool degmada Towfiiq iyo deegaanka Dhinawda.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku dhawaaqay in magaalada Garoowe lagu qaban doono gogol nabadeed, isaga oo sheegay inuu isaguna ka qeybgalayo, si loo xoojiyo nabadda, wada-noolaanshaha iyo isku-xirnaanta bulshada Towfiiq iyo Dhinowda ee Gobolka Mudug.
Dhanka kale, Madaxweyne Deni ayaa sheegay in Dowladda Puntland ay diyaar u tahay wax ka qabashada saameynta isbeddelka cimilada ee deegaanka Dhinawda, gaar ahaan bacaadka ku fiday qeybo ka mid ah deegaanka.
Madaxweynaha Puntland ayaa kormeeray xaafadaha uu bacaadku qariyey, isagoo sheegay in Dowladda Puntland ay wax ka qabanayso xaaladdaas iyo guud ahaan baahiyaha adeegyada bulshada ee deegaanka.





