Madaxweyne Deni oo kasoo horjeestay go’aanka kasoo baxay Isimada Puntland

0

GAROOWE (SMN) – Madaxweynaha maamulka Puntland, Saciid Cabdullahi Maxamed (Deni) ayaa ka horyimid go’aankii xalay kasoo baxay Ismimada Puntland ee xalka loogu raadinayey xiisadda ka dhalatay xil ka qaadista agaasimihii hore ee Ciidanka Ammaanka Puntland (PSF) Gen Maxamuud Cismaan Diyaano ee ka taagan magaalada Boosaaso.

Saciid Deni ayaa kasoo horjeestay qodobada qaar ee ay soo saareen Ismida, gaar ahaan in hubka iyo hantida Ciidanka uu qaato General Maxamuud Cismaan Diyaano.

Halkan hoose ka aqriso:-

Dowlad goboleed Puntland ee Soomaaliyeed waxay uga mahad celinaysaa dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada Reer Puntland, gaar ahaan Waxgaradka, Isimada, Culimada, Ganacsatada, Nabadoonada iyo Haweenka dadaalka ay ka muujiyeen sidii uu Agaasimihii hore ee Ciidanka Ammaanka Puntland (PSF) Gen Maxamuud Cismaan Diyaano uu si hufan oo nabad ah xilka ugu wareejin lahaa Agaasimaha cusub Sareeye Guuto Maxamed Aamiin Cabdullaahi Xaaji Kheyr oo Madaxweynaha Puntland u magacaabay Agaasimaha Hay’adda PSF, 24 November 2021. 

Ciidanka PSF (Puntland Security Forces) waxay ka mid yihiin laf dhabarta hay’daha amniga Puntland, iyagoo ka qayb qaata sugista amniga guud ee Puntland, gaar ahaan la dagaalanka Ururada Argagixisada ah, Dowladda Mareykanka ayaana si gaar ah uga taageerta PSF dhinacyada tababarada iyo qalabka ciidanka. 

Ciidanka PSF iyo hantidooda oo leh hub, gaadiid, guryo iyo agab kaleba waa hanti Puntland iyo Shacabkoodu leeyihiin, ayna u soo dhinteen, una soo dhaawacmeen tiro fara badan oo naftood hurayaal ah iyagoo difaacaya amniga iyo dowladnimacia Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Reer Puntland. Sidaa darteed, waa nasiib darro in qayb ka mid ah lsimada Puntland ay Maantay (7 December 2021) baraha bulshada ku faafiyeen qoraal dhaawacaya maslaxadda iyo mustaqbalka Puntland, ayna ku sheegeen in hubka iyo hantida Ciidanka Amniga Puntland uu si gaar ah u qaato Agaasimihii hore. Arrintaas oo meel ka dhac ku ah sharafta dowladnimo, khatarna gelinaysa amniga iyo xasiloonida Puntland, dhiirigelina u sameynaysa musuq maasuq iyo boob hantida ay Dowladdu uga masuulka tahay Shacabka Puntland. 

Haddaba, Puntland waxay faraysaa Agaasimihii hore ee PSF Mudane Maxamuud Cismaan Diyaano inuu sida ugu dhaqsaha badan u wareejiyo dhamrnaan hantida hay’adda PSF, kung wareejiyo Ciidanka PSF iyo Agaasimaha Cusub. Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed waxay, iyadoo dhawraysa Dastuurka iyo sooyaalka dowladnimo ee Puntland, ka go’an illaalinta amniga, xasiloonida iyo xoojinta dowladnimada iyo sareynta sharciga.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here