ISTANBUL, Turkiga — Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa shalay si diirran ugu soo dhaweeyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, Xafiiska Madaxtooyada ee ku yaalla qasriga taariikhiga ah ee Dolmabahce ee magaalada Istanbul.
Kulankan oo ahaa mid heerkiisu sarrayo, ayaa labada hoggaamiye kaga wadahadleen xoojinta xiriirka istiraatiijiyadeed ee qotada dheer ee ka dhexeeya labada dal ee walaalaha ah. Waddahadallada ayaa diiradda lagu saaray iskaashiga dhinacyada ammaanka, horumarka dhaqaalaha, ganacsiga, iyo mashaariicda gargaarka ee Turkigu ka fuliyo Soomaaliya.
Madaxweyne Erdogan ayaa mar kale xaqiijiyay taageerada hagar la’aaneed ee dalkiisu u fidinayo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dadaallada lagu sugayo nabadgelyada iyo dib-u-dhiska dalka.
Dhankiisa, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyay dowladda Turkiga doorka muuqda ee ay ka qaadato xasilinta iyo horumarka Soomaaliya.
Kaddib kulan gaar ah oo ay yeesheen labada madaxweyne, waxaa xigay kulan ballaaran oo ay ka qaybgaleen wefdi ka socda labada dhinac, iyadoo la filayo in lagu kala saxiixdo heshiisyo hor leh oo kor u qaadaya iskaashiga labada dal.




