Madaxweyne Farmaajo oo hambalyo u diray bahda warbaahinta Soomaaliyeed

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhammaan saxafiyiinta iyo xarumaha Warbaahinta Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey Maalinta Xorriyadda Saxaafadda Adduunka, isaga oo ku bogaadiyey shaqada wanaagsan ee ay u hayaan dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Dowladdu ay door muhiim ah siisay horumarinta iyo taabbagelinta xorriyadda saxaafadda, iyada oo dadaal ku bixisay ilaalinta xuquuqda Warbaahinta lana meel mariyey shuruuc iyo xeer ilaaliye u gaar ah saxaafadda, si looga hortago tacaddiga iyo meel-ka-dhac kasta oo ka dhan ah warbaahinta.

“Waxaan guud ahaan Saxaafadda Soomaaliyeed ugu hambalyeynayaa Maalinta Caalamiga ah ee Xorriyadda Saxaafadda Adduunka. Tan iyo 2017-kii, Annaga oo ka duulayna in saxaafaddu ay xor noqoto, lana ilaaliyo xuquuqdooda warbaahineed, waxaan mudnaanta siinnay xoojinta xorriyadda hadalka ee warbaahinta iyo badqabka weriyeyaasha. Waxaan idinku boorrinayaa in aad sii labo jibbaartaan dadaalkiinna, idinka oo sawir qurxoon ka gudbinaya dalka, xoojinaya midnimada, waddaniyadda iyo dal jacaylka.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xusay doorka wanaagsan ee Warbaahinta Soomaaliyeed ay ka qaataan dowladda dhiska, wacyi gelinta bulshada iyo la dagaallanka afkaarta xagjirka, ayaa u duceeyey saxafiyiintii Soomaaliyeed ee shahiiday iyaga oo u adeegaya dadkooda iyo dalkooda.

DHAMMAAD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here