Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyey Geerida Danjire Yuusuf Cumar Al-Azhari

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Danjire Yusuf Cumar Axmed Al-Azhari oo dalkeenna ku soo mataley fagaareyaasha diblumaasiyadda iyo xiriirka caalamiga ah.

Madaxweynaha ayaa xusay in Danjire Yuusuf Al-Azhari uu muddo dheer u soo adeegayey Qaranka Soomaaliyeed, isaga oo ka mid ahaa xeel-dheereyaasha siyaasadda iyo diblomaasiyadda dalkeenna, door muuqdana ka soo qaatay dadaallada nabadeynta iyo dib u heshiisiinta.

“Innaa lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Waxaan tacsi u dirayaa qoyska, qaraabada iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodey Alle ha u naxariistee Marxuum Yusuf Cumar Axmed Al-Azhari. Marxuumka oo muddo dheer u soo adeegayey Qaranka Soomaaliyeed ayaa kaalin mug leh ku lahaa in siyaasadda arrimaha dibadda iyo diblomaasiyadda dalkeennu ay ka muuqdaan fagaareyaasha caalamka.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Marxuumka Alle u weydiiyey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, ehelada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here