Madaxweyne Farmaajo oo kulan la yeelanayo wafdi ka socda QM

0

Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa goor dhow madaxtooyada waxa uu kulan kula qaadan doonaa ku xigeenka xoghayaha Qaramada Midoobay Marwo Amina J. Mohammed iyo wafdi heer sare ah oo ka tirsan xarunta Qaramada Midoobey.

Farmaajo iyo ku xigeenka xoghayaha Qaramada Midoobay ayaa ka wada hadlaya arrimaha horumarinta bulshada (SDG), awoodsiinta siyaasadeed ee haweenka iyo dhammeystirka doorashooyinka dalka.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka mid ah dalal dhowr ah oo ka tirsangGobolka oo ay socdaal ku marayso  ku xigeenka xoghayaha Qaramada Midoobay Marwo Amina J Mohammed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here