MW Farmaajo oo u hambalyeeyey xildhibaanada labada gole ee baarlamanka

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ugu hambalyeeyay gudashada Dhaarta Dastuuriga ah ayaa tilmaamay doorka shacabku ay ka sugayaan Xildhibaannada cusub ee ku aaddan xoojinta dowlad-nimada, horumarinta dalka iyo adkeynta midnimada.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay muhiimadda ay dalka u leedahay dhammeystirka doorashadu, si waafaqsan heshiiskii 17-kii Sebteembar ee ay ku heshiiyeen Madaxda Madasha Wadatashiga Qaranku, ayna meel mariyeen Labada Aqal ee Barlamaanka JFS, kaas oo saldhig u ah fulinta doorashooyin wadar-ogol ah.

Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay xildhibaanada labada Aqal in ay dhammeystiraan dadaalkii uu Barlamaanka 10aad ku bixiyay meel marinta hindise sharciyeedyo waxtar u leh dowlad dhisidda kuwaas oo hortabin u leh sii ambaqaadida isbadallada socda ee amniga, dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada ee lagu tallaabsaday sanadihii ee lasoo dhaafay.

Madaxweynaha ayaa shacabka soomaaliyeed ku adkeeyey in ay xoojiyaan wadajirka iyo midnimadooda, ilaashadaanna miraha dowladnimada, iyada oo muwaadin kasta uu mudnaanta siinayo danaha Qaranka iyo sidii aan u horumarin lahayn dalkeenna.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u rajeeyey Xildhibaannada Labada Aqal ee maanta la dhaariyey in uu Alle u fududeeyo waajibaadka Qaran ee horyaalla, kana yeelo masuuliyiin ka shaqeeya danta dalka, diinta iyo dadka Soomaaliyeed.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here