Cali Guudlaawe oo guddoomiyay shir ay yeesheen golaha wasiirada HirShabelle

0

JOWHAR (SMN) – Madaxweynaha Hirshabelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen oo wehliyo Madaxweyne Ku Xigeenka Mudane Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa shir gudoomiyay Kulanka Golaha Xukuumadda ee Hirshabeelle.

 

Shirka Golaha Wasiirada ayaa maanta looga hadlay Arrimaha amniga, Howlgalada Khawaarijta looga xoreynayo deegaanada Hirshabeelle, Hindise-Sharciyeedka xafiiska dhiirigelinta maalgashiga, Hanaanka xiriirka iyo isku-duwista deeqaha caalamiga ah, Geedi-socodka Goleyaasha deegaanka, ka doodista miisaaniyad sanadeedka 2024-ka, iyo Fatahaadaha iyo duufaanada elnino.

Wasaaradda amniga ayaa ka warbixisay xaaladaha amni ee deegaanada Hirshabeelle iyo Howlgalada lagu baacsanayo kooxda Khawaarijta ah ee alshabaab.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa ka warbixiyay hanaanka maamul u sameynta degmooyinka iyo halka ay mareyso dhismaha goleyaasha deegaanka Caasimada Jowhar oo heer gabo-gabo ah maraya xulista xubnaha kamid noqonaya golaha deegaanka degmada Jowhar, Wasiirka ayaa dhanka kale xusay in degmooyinka Buulo-burde, Aadan-yabal, Maxaas iyo Warsheekh dhowaan laga dhisayo goleyaasha deegaanka.

Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ahna Gudoomiyaha Gudiga Fatahaadaha iyo Dabeylaha Elnino ayaa ka warbixisay Roobabkii xooganaa ee ka da’ay deegaanada Hirshabeelle gaar ahaan qasaaraha uu ka geystay Magaalada Beledweyne, Dhanka kale waxa ay ka warbixisay Kulamo uu gudiga Fatahaadaha iyo Dabeylaha Elnino la qaatay Hay’adaha samafalka si la isugu dubarido howlaha gargaarka iyo samatabixinta dadka ay saameeyaan fatahaadaha iyo dabeylaha.

Wasaarada Maaliyada ayaa golaha horkeentay Miisaaniyad Sanadeedka Dowladda ee 2024-ka kadib dood dheer oo goluhu ay ka yeesheen waxay cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen miisaaniyadda 2024.

Golaha Xukuumadda ayaa lagu hor dhaariyay Wasiiru-dowlaha cusub ee Madaxtooyad Hirshabeelle Mudane Abuukar Axmed Cali (Dhaga-gaab)

Ugu dambeen Madaxweynaha iyo Golaha Wasiirada ayaa bogaadiyay dadaalka ay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ku bixineyso dhismaha Goleyaasha deegaanka gaar ahaan golaha deegaanka Jowhar oo xubnihiisa uu gabo-gabo maraya.

-DHAMAAD-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here