Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo qaabilay wafdi gaaray Garoowe

0

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefti uu hogaaminayo Wakiilka  Hay’adda Islaamic Relief ee Soomaaliya  Mudane Aliow Mohamed.

Kulanka waxaa looga hadlay mashaariicda horumarineed ee Hay’adda Islamic Relief ka fuliso deegaanada Puntland.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa ku bogaadiyey Wakiilka shaqada wanaagsan ee ay Hay’addu ka waddo gudaha Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here