Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Puntland oo ku geeriyooday Muqdisho

0

Allah u naxariistee, Cabdi Samad Cali Shire oo ahaa madaxweyne ku xigeenkii hore ee dowlad goboleedka Puntland oo  khamiistan maanta  ah ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Marxuumka oo muddooyinkii u dambeeyay ku xanuunsanaa magaalada Hargeysa, ayaa shalayto la keenay magaalada Muqdisho, halkaas oo uu saaka ku geeriyooday.

Allaha u naxariistee Cabdisamad Cali Shire ayaa soo noqday madaxweyne ku xigeenkii Puntland dowladdii uu madaxda ka ahaa Cabdiraxmaan Faroole ( 8 January 2009- 8 January 2014).

Wuxuuna sidoo kale ahaa Janaraal ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here