Madaxweyne Lafta Gareen oo guddoomiye cusub u magacaabay Sh/Hoose

0

BAYDHABO (SMN) – Wareegta kasoo baxday xafiiska madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa waxaa xilka looga qaaday guddoomiyihii gobolka Shabeelaha Hoose, Maxamed Cabdiraxiin Nuur.

Lafta Gareen ayaa guddoomiyaha cusub u magacaabay inuu noqdo Ibraahim Aadan Cali (Najax) oo markii saddexaad qabanaya xilka guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose.

Wareegtadan ayaa waxaa sidoo kale lagu faray hay’adaha ammaanka iyo maamullada degmooyinka inay la shaqeeyaan guddoomiyaha cusub ee lasoo magacaabay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here