Madaxweyne Lafta Gareen oo weli kulamo ka wada magaalada Xudur

0

XUDUR (SMN) – Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed Cabdiasiis Xasan Maxamed Laftagreen ayaa kulan la qaatay sarakiisha ciidanka xoogga dalka qeybta 60-aad oo horkacayey taliyaha qeybta 60aad CXD Generaal Maxamed shekh Cabdulaahi Ciirow.

Madaxweynaha ayaa Taliyaha Guutada 9aad Qeybta 60aad iyo Taliyaha Qeybta 60aad CXD ka dhagaystay Warbixin ku Qotonta Xaalada Ciidanka Xoogga iyo Howlgalada ay Fuliyaan.

Laftagareen ayaa Sarakiisha Ciidanka Xoogga Dalka uga Mahadceliyey shaqa adag ee ay uhayaan Shacabka.

“Waan idinkaga mahadcelinayaa shaqada wanaagsan ee aad uhaysaan shacabka gobolka bakool waxaa muhiim inaad bilowdaan howlgalada lagu bacsanayo argigixisada alshabaab ee dhibatada ku haya guud ahaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka ku nool gobolka Bakool.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa Faray Saraakiisha Guutada 9aad qeybta 60aad Ciidanka Xoogga Dalka inay bilaaban Howlgalo ka dhanka ah Alshabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here