Madaxweyne Laftagareen oo qaabilay guddoomiyaha SoDMA + Sawirro

0

BAYDHABO (SMN) – Madaxweynaha Dowladd Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa xalay Xarunta Madaxtooyada KGS ee Magalaada Baydhabo ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle.

 

Kulankaan waxaa qeyb ka ahaa Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Koonfur Galbeed Cabdinaasir Cabdi Caruush,Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka KGS.

Kulaankaan ayaa looga hadlay Qaban-qabada shirka Madasha iskuwidda Arrimaha Bini’aadanimada oo Baydhabo ka furmaya Maalmaha soo socda,Xaalada El-Niño ee wadankeena ku soo wajahan taas oo wadata Roob xoogan sababi kartana fatahaado iyo Daadad,Shirkaan waxaa ka qeybgalaya,Hay’adda Maareynta Musiiboyinka, Wasiiradda Gargaarka Dowladdaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, Gobolka Banaadir iyo Wakiilo ka socda Beesha Caalamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here