Madaxweyne Laftagareen oo qaabilay wasiiro ka socda DF Soomaaliya + Sawirro

0

BAYDHABO (SMN) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka  Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Qasriga Madaxtooyada ku Qaabilay Wasiirada Wasaaradaha Xanaanada Xoolaha iyo Beeraha Xukuumada Faderaalka Soomaaliya oo Maanta Safar Shaqo kuso Gaaray Magaalada Baydhabo.

 

Madaxweyne Laftagareen ayaa Qaabilaada waxaa ku Wehlinayeen Xubno ka tirsan Gollaha Wasiirada iyo Gudoomiyaha Degmada Baydhabo ahan Duqa Magaalada.

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka XFS Mudane Ahmed Madoobe Nuunow iyo Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa XFS Mudane Xasan Xuseen Maxamed Eeley ayaa Madaxweyne Laftagareen la wadaagay Socdaalkooda ku qotoma Xoojinta Wadashaqaynta iyo Hirgelinta Mashaariic kala Duwan oo labada Wasaaradoo ay ka Hirgelinayaan Guud ahaan Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Umahadceliyey Wasiirada Wasaaradaha Beeraha iyo Xanaanada Xoolaha Socdaalkooda imaanshaha Baydhabo waxaana uu Xusay inay Muhiim tahay Hirgelinta Mashariicda ay ubaahanyihiin Beeralayda iyo Xoolo Dhaqatada in la hormariyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here