Madaxweyne Qoor Qoor oo dib ugu laabtay Dhuusamareeb + Sawirro

0

Madaxweynaha Dowalad Goboleedka  Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Dhusamareb ee Caasimadda Galmudug.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa si diirran garoonka diyaaradaha ee Ugaas Nuur ugu soo dhaweeyay Guddoomiye ku-xigeenka Baarlamanka Galmudug Mudane Cabdullahi Xirsi, qaar ka mid ah Xildhibaannada iyo Wasiirada galmudug, Maamulka Caasimadda iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweynaha Galmudug oo maalmihii dhawaa ku sugnaa Muqdisho ayaa ka mid ahaa mas’uuliyiinta ka qeyb qaatay xalinta qalalaasihii ka dhacay Caasimadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here