Madaxweyne Qoor Qoor oo kulan la yeeshay wakiilada Beesha Caalamka

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa xalay kulan gaar ah la yeeshay wakiilada Beesha Caalamka ee fadhigooda yahay Muqdisho, kaas oo ku qabsoomay Aalada Zoomka ee Internet-ka.

Madaxweyne Qoor Qoor iyo wakiilada Qaramada Midoobay, Ingiriiska, Mareykanka iyo sidoo kale Danjiraha Midowga Yurub ayaa ka wada-hadlay doorashooyinka dalka ee 2021-ka.

Qoor Qoor ayaa u xaqiijiyey Beesha Caalamka in doorashada Golaha Shacabka, gaar ahaan kuraasta taalla Galmudug in uu kusoo gaba-gabeyn doono ka hor dhammaadka 2021-ka.

”Waxaan u xaqiijinnay inaan soo gebagebeyneyno doorashada ka hor dhammaadka 2021-ka,” ayuu yiri Qoor Qoor.

Galmudug ayaa la filayaa in dhowaan ay guda-gasho qabashada doorashada Aqalka Hoose, iyada oo lagu horreysiinayo illaa shan kursi oo dhowaan la shaaciyey liiskooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here