El Alamein, Masar — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki, ayaa magaalada Alcalameyn ee dalka Masar ku yeeshay kulan looga hadlay xiriirka labada dal iyo arrimo muhiim ah oo khuseeya Soomaaliya iyo gobolka Geeska Afrika.
Kulanka oo dhacay barqadii ayaa labada madaxweyne waxay si qoto dheer uga wada hadleen xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, xiriirka labada dal iyo arrimo kale oo la xiriira xasilloonida iyo amniga gobolka. Labada hoggaamiye ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la abuuro jawi siyaasadeed oo wanaagsan, kaas oo ay ku sheegeen inuu muhiim u yahay ilaalinta madax-bannaanida, midnimada dhuleed, xasilloonida iyo nabadda Soomaaliya.
Madaxweyne Isaias Afwerki ayaa sidoo kale ka hadlay qaabka federaalka Soomaaliya iyo nidaamyada maamulka ee dalalka kale ee gobolka, isagoo sheegay in qaab-dhismeedyadaasi aysan mar walba daboolin himilooyinka iyo rabitaanka shacabka ee ku aaddan midnimada iyo isku-duubnida. Isaias Afwerki ayaa ku dooday in qaab-dhismeedyada siyaasadeed ee sii xoojinaya kala-qaybsanaanta bulshada, dhaqaalaha, diinta iyo qowmiyadaha ay abuuri karaan xaalado horseeda qalalaase iyo faragelin shisheeye.
Madaxweynaha Eritrea ayaa soo jeediyay in loo baahan yahay qaab-dhismeed maamul oo ku saleysan muwaadinimada, kaas oo uu sheegay inuu wax ka tari karo xoojinta midnimada iyo isku-duubnida bulshada. Dhankiisa, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyay Madaxweyne Isaias Afwerki iyo shacabka Eritrea mowqifkooda iyo taageerada ay u muujiyeen dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.
Kulanka labada madaxweyne ayaa kusoo beegmaya xilli Soomaaliya ay wajahayo xaalado siyaasadeed iyo amni oo saameyn ku leh jihada dalka, iyadoo sidoo kale gobolka Geeska Afrika uu ku jiro marxalad ay socdaan wadatashiyo iyo isbeddello siyaasadeed oo muhiim ah.




