Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Baydhabo si uu uga qeyb galo Caleema Saarka Hoggaanka Koonfur Galbeed

0

Baydhabo – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee caasimadda KMG ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, halkaas oo uu uga qeyb geli doono caleema saarka Hoggaamiyaha iyo Guddoonka cusub ee maamulkaas.

 

Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha Baydhabo si diirran ugu soo dhaweeyay Hoggaamiyaha cusub ee Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur, Guddoonka Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada heer federaal iyo heer dowlad goboleed, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Safarka Madaxweynaha ayaa waxaa ka horreyey Guddoomiyeyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo qaar ka mid ah xildhibaanada labada gole, kuwaas oo horey u gaaray Baydhabo si ay uga qeyb galaan munaasabadda caleema saarka.May be an image of one or more people and textMay be an image of one or more people and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here