Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray dalka Jabuuti + Ujeedka

0

JABUUTI (SMN) – Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray dalka Jubuuti, kadib muddo ka badan bil uu ku sugnaa deegaanada laga hogaaminayo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

 

Safarka madaxweynaha oo ah mid kadis ah oo aan horay loo sii shaacin ayaa ku qotoma arrimo la xiriira dagaalka Al-Shabaab iyo taageeda Jubuuti ee dowladda.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la kulmay dhiggiisa Jubuuti Ismaaciil Cumar Gelle, waxaana uu kala hadlay dagaalka Al-Shabaab iyo arrimo ku aadan ciidamada Jabuuti ee jooga Soomaaliya.

Labada Madaxweyne ayaa dul istaagay muhiimadda gobolka ay u leedahay in Al-Shabaab laga soo af jaro Soomaaliya, si loogu wada noolaado xasilooni iyo amni.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dowladiisu dagaal toos ah ay kula jirto Al-Shabaab ayaa taageera u raadinaya dagaalkaasi oo ah mid dowladdu ay ku doonayso in Al-Shabaab ay kaga adkaato deegaanada ay ka maamulaan Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here