Muxuu Xildhibaan CC Shakuur ka yiri dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab?

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Siyaasiga caanka ah Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo haatan ku sugan furinta hore ee dagaalka, gaar ahaan Galmudug ayaa ka hadlay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda dalka dalka.

 

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo hadda ah Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ayaa shaaca ka qaaday in dagaalkan uu taageersan yahay caalamka, loona baahan yahay in lasii wado, si Al-Shabaab looga saaro dalka oo dhan.

Sidoo kale waxa uu hoosta ka xariiqay in loo baahan yahay in loo midoobo dagaalkan, isla-markaana ay ka wada qayb qaataan dadka Soomaaliyeed.

Waxa kale oo uu boggaadiyay doorka madaxweynaha ee ku aadan jiheynta dagaalkan, maadaama laga gaaray guullo waa weyn.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan dalka ay ka socdaan howlgallo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, oo ay iska kaashanayaan ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka oo la wareegay dhul ballaaran oo ku yaalla Galmudug iyo HirShabelle.

Si kastaba, dagaalka ayaa la filayaa inuu hadda galo wajigiisa labaad, isla-markaana ay ka qayb-qaataan dalalka dariska, sida Kenya, Jabuuti iyo Itoobiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here