Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalda Baydhabo + Sawiro

0

BAYDHABA (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee Xarunta Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed.

 

Madaxweynaha waxaa halkaas ku soo dhaweeyay Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed, goleyaasha kala duwan iyo bulshada Koonfur-galbeed.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa inta uu joogo Baydhaba booqan doona deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, isaga oo xoogga saaraya abaabulka howlgallada dalka lagaga xoreynayo Al-Shabaab oo wajiga labaad laga fulin doono deegaannada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.

Dhanka kale, madaxweynaha ayaa la kulmi doono hoggaanka Koonfur Galbeed iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, isaga oo ka hadli doono xiisadda siyaasadeed ee ka taagan doorashada maamulkaasi, si xal loogu gaaro, maadaama ay cabanayaan mucaaradka.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here