Madaxweyne Xasan Sheekh oo guddoomiyey shir muhiim ah + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan la yeeshay guddiga abaraaha, waxaana kulanka looga hadlay xaaladda abaaraha dalka ka jira iyo doorka dowladda federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa guddiga ka dhageysatay warbixin ku aadan howlihii gurmada ee loo magacaabay iyo xaaladda abaareed ee hanta taagan.

Dhinaca kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la kulmay maanta wakiilka gaarka ah ee Qaramadda Midoobay ee Soomaaliya Ambassador James Swan.

James Swan ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu maanta Muqdisho kula kulmo oo uu si shakhsi ah ugu hambalyeeyo Madaxweynaha dhowaan la doortay ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo ka xog wareystay arrimaha mudnaanta u leh maamulkiisa.

Waxaana ay ka wada hadleen sida ugu wanaagsan ee Qaramada Midoobay ay u sii wadi karto taageerada ay siiso Soomaaliya iyo dadkeeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here