Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku wajahan dalka Tanzania + Ujeedka

0

 CARUUSHA (SMN) – Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maalmaha soo socda ku wajahan dalka Tanzania, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

 

Wararka ayaa sheegaya in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ka qayb-geli doono shir gaar ah oo ay yeelan doonaan dalalka ku bahoobay Daladda Bulshada Bariga Afrika.

Sidoo kale madaxweynaha Soomaaliya ayaa la kulmi doono madaxda Tanzania iyo ergada kale ee ka qayb-gelysa shirweynaha ka dhacaya dalkaasi, isaga oo kala hadli doono xaaladaha Soomaaliya, gaar ahaan ganacsiga, maal-gashiga iyo dagaalka Al-Shabaab.

Soomaaliya ayaa beshii lasoo dhaafay ku biirtay dalladan oo ay ku mideysan dhowr dal oo Afrika ku yaalla, taas oo fursad u ah shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, si gaar ah waxa ay u xoojineysaa baayac-mushtarka dalka, si ganacsatada Soomaaliyeed ay uga shaqeystaan dalalka xubnaha ka ah daladda, sidoo kalena shuruud la’aan loogu dhoofiyo wax soo saarka gudaha dalkeenna.

Sideed wadan ayaa ku mideysan Daladda Bulshada Bariga Afrika kuwaas oo kala ah: Kenya, Uganda, Rwanda, Burundi, South Sudan, Tanzania, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo, iyo Soomaaliya oo noqotay wadankii ugu dambeeyey oo ku biiray sanadkaan 2023.

Dhammaan dalalka xubnaha ka ah daladaan ayaa waxay iska kaashadaan dhinacyayda siyaasadda, ammaanka, difaaca, dhaqaalaha, dhaqanka, teknoolajiyada iyo sharciga

Waa safarkii labaad ee uu madaxweynuhu ku tegayo waddanka Tanzania, isaga oo horay dalkaas ugula soo shiray dalalka ururkan  oo uu u gudbiyey codsigiisa dalabka Soomaaliya ee ku biiridda daladda oo ugu dambeyn la aqbalay, kadib dadaal ay sameysay dowladda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here