New York – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka qaybgalay furitaanka Meertada 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, oo ka socota xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada New York, dalka Mareykanka.
Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu madasha Golaha Guud ka jeediyo khudbad uu kaga hadli doono horumarka Soomaaliya ka samaysay dhinacyada dowlad-dhiska, dimuqraadiyeynta, amniga, dhaqaalaha iyo horumarinta adeegyada bulshada.
Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa khudbaddiisa ku soo bandhigi doona mudnaanta Soomaaliya iyo dadaallada lagu xoojinayo nabadda, amniga iyo iskaashiga caalamiga ah.




