MUQDISHO, 24 Agoosto 2026 — Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan dhiirrigelin iyo bogaadin ah la qaatay 10-kii arday ee kaalmaha ugu sarreeya ka galay imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 12-aad ee dugsiyada sare ee dalka.
Madaxweynaha ayaa ardayda ugu hambalyeeyay guusha ay ka gaareen imtixaanka, isaga oo ku ammaanay dadaalkooda, adkaysigooda iyo natiijada wanaagsan ee ay soo bandhigeen.
Xasan Sheekh ayaa ardayda kula dardaarmay inay sii laba-jibaaraan dadaalkooda waxbarasho, isla markaana ay ka faa’iideystaan fursadaha waxbarasho ee u horseedi kara mustaqbal wanaagsan.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale ballanqaaday in arday kasta oo daneynaya inuu waxbarashadiisa sare ku sii wato gudaha dalka uu heli doono fursad waxbarasho oo bilaash ah.
Tallaabadan ayuu sheegay inay qayb ka tahay dadaallada lagu dhiirrigelinayo ardayda Soomaaliyeed ee kaalmaha sare ka gala waxbarashada, iyo in la taageero jiilka cusub ee mustaqbalka hoggaamin doona dalka.
“Arday kasta oo daneynaya inuu dalka gudihiisa ka sii wato waxbarashadiisa wuxuu heli doonaa fursad waxbarasho oo bilaash ah,” ayuu Madaxweynaha sheegay.
Dhanka kale, Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay qorsheyneyso hirgelinta jaamacad dowladeed oo cusub oo si gaar ah diiradda u saari doonta culuumta teknoolojiyadda.
Jaamacadda ayaa, sida uu sheegay, bixin doonta fursado waxbarasho oo tayo leh oo loogu talagalay dhallinyarada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa xiiseynaya culuumta casriga ah, tiknoolajiyadda iyo xirfadaha la xiriira.
Qorshaha jaamacaddan ayaa qeyb ka noqonaya dadaallada dowladda ee lagu ballaarinayo fursadaha waxbarasho ee dalka, iyadoo diiradda la saarayo in dhalinyarada loo diyaariyo suuqa shaqada iyo baahiyaha mustaqbalka.
Kulanka Madaxweynaha iyo ardayda ayaa kusoo beegmaya xilli dowladda Federaalka ay xoogga saareyso tayeynta waxbarashada iyo dhiirrigelinta ardayda Soomaaliyeed ee muujisa heerka sare ee aqooneed.
Ardayda ayaa lagu dhiirrigeliyay inay guusha ay gaareen u arkaan bilowga marxalad cusub oo waxbarasho, isla markaana ay sii wadaan dadaalka ay ku gaari karaan heerar sare oo aqooneed iyo xirfadeed.
Dowladdu weli ma aysan shaacin waqtiga rasmiga ah ee la hirgelinayo jaamacadda cusub, goobta laga dhisayo iyo kulliyadaha ay yeelan doonto.



