MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqday Safaraadda Imaaraatka Carabta ee Muqdisho, kadib toogashadii dhowaan ka dhacday xerada Janaraal Goordan, taas oo lagu dilay saraakiil u dhashay dalkaasi.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan is-xogwareysi iyo tacsiyeyn ah la qaatay Danjire Axmed Jumca Al-rumeysi.
Sidoo kale Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay ahmiyadda xiriirka soojireenka ah ee labada dal iyo sidii loo sii xoojin lahaa, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo kobicinta dhaqaalaha.
Imaaraadka ayaa kamid ah dalalka sida dbow u taageero Soomaaliya, wuxuuna ka qayb qaataa dib u dhiska ciidanka Xoogga dalka.